Monday, June 1, 2026
26.3 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Puntland oo 6 maalin u qabatay Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay

Garoowe (Halqaran.com) – Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee  Puntland ayaa muddo lix cisho ah u qabtay 14 qof oo u shaqeeya Qaramada Midoobey, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay iska bixin waayeen cashuurtii ku waajibtay.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in haddii muddadaas loo qabtay cashuurta ku bixin waayaan shaqaalahaasi ay ka joojin doonaan in ay ka shaqeeyaan Puntland, xabsina dhigi doonaan.

Sidoo kale, waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in 14 galdacwadeed laga soo gudbiyay Shaqaalaha Qaramada Midoobay taas oo ku aadan in ay diideen inay bixiyaan Canshuurta ku waajibtay.

Magacyada Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee muddada 6 Cishada ah loo qabtay ayaa waxaa uu Xeer ilaaliye ku-xigeenka Punland ku kala sheegay.

1 – Saciid Cali Cabdullaahi oo u shaqeeya Hay’adda UNDP

2 – Maxamed Cali Faarax oo u Shaqeeya UNDP

3 – Xaawo Cumar Maxamuud oo u Shaqeeysa  UNDP

4 – Cabdixakiin Cabdullaahi Nuux u Shaqeeya WFP.

5 – Saciid Abshir Yuusuf  oo u Shaqeysa  FAO.

6 – Cabdullaahi Warsame Maxamed oo u Shaqeeysa  RCO

7 – Maxamed kuluc Faarax  oo u Shaqeeya Hay’adda WHO

8 – Cabdixakiin Barre Nuur oo u Shaqeeya  WHO

9 – Cabdinuur Cismaan Maxamed oo u Shaqeeya  WHO.

10 – Cabduqaadir Saciid Cabdiraxmaan oo u Shaqeeya WHO.

11 – Axmed Maxamed Nuux oo u Shaqeeya WHO.

12 – Cismaan Cabdinuur Cumar oo u Shaqeeya  WFP.

13 – Maxamed Xasan Cusmaan oo u Shaqeeya Hay’adda FAO.

14 – Samiiro Xasan Cismaan oo u Shaqeeysa UNFPA

Halka hoose ka dhageyso Codka Xeer ilaaliye ku-xigeenka Punland:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...