Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

UPDATE: Shirkii Jabuuti ee DF Somaliya iyo Somaliland oo lagu heshiin la’yahay & Wararkii ugu…

Jabuuti (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Jambuuriyadda dalka Jabuuti, ayaa sheegaya, in lagu kala kacay, shirkii guddiyada farsamo ee kala matalayay DF Soomaaliya iyo Somaliland, kaddib markii qodobbo la isku mari waayay.

Wararka ayaa sheegaya, in aan weli wax warbixin ah laga soo saarin wada-hadallada u socday guddiyada kala matalayay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo uu qorshuhu ahaa in galabta la soo xiro shirka.

Qodobbada ay labada dhinac isku mari waayeen ayaa ka mid ah, in la isu furo isu socodka labada dhinac, in Somaliland ay joojiso xariga iyo dhibaateynta dadka Somaliland ee u soo safra Koonfur Soomaaliya, sida Ganacsiga, Fanka, iyo arrimo kale oo la sheegay inay diideen guddiga matalayay Somaliland.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Somaliland, Siciid Sulub Maxamed, ayaa u sheegay Warbaahinta ka howlgasha deegaannada Somaliland, in aanay jirin ilaa hadda wax ay ku heshiiyeen guddiyada farsamo ee shirka Jabuuti.

Si kastaba, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jabuuti ee shirka ku sugan ayaa waxa ay isku dayayaan, in ay sameeyaan isku soo dhawaansho labada dhinac, balse weli guul ma aysan ka gaarin.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...