Thursday, November 13, 2025
26.1 C
Mogadishu

UPDATE: Ra’iisul wasaarihii dalka Ingiriiska oo xilka iska casilay

London (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaarihii dalka Britain Mr Boris Johnson ayaa iska casilay xilka xisbiga Conservative-ka ee dalkaasi, taasoo dhabbaha u xaareysa doorashada ra’iisul wasaare cusub kadib markii wasiirro dhowr ah ay iska casileen dowladdiisa ay fadeexadaha hareeyeen.

Johnson oo 58 jir ah, ayaa ku dhowaaqay inuu is-casilayo, kadib markii xubno badan ay iska casileen dowladdiisa, balse wuxuu sheegay inuu si hayn doono xilka ra’iisul wasaaraha illaa laga helo qofkii beddeli lahaa.

“Waa ay cadahay rabitaanka xildhibaanada Conservative-ka ee ah in xisbiga uu helo hoggaamiye cusub, sidaa darteedna ra’iisul wasaare cusub,” ayuu yiri Johnson isaga oo ka hadlaya banaanka xafiiska 10 Downing Street.

Waqtiga lagu soo dooran doono hoggaanka cusub ee xisbiga Tory ayaa lagu dhowaaqi doonaa toddobaadka soo socda, kadib saddex sano oo qalalaase uu hareeyey.

Mr Boris Johnson ayaa sheegay inuu ka murugsanaa inuu ka tanaasulo shaqada ugu wanaagsan dunida, wuxuuna qiil u sameeyey inuu u dagaalamayey illaa sacaaddii ugu dambeysay kadib markii shacabka ay doorteen bishii December 2019.

Si kastaba, sacaado ka hor ku dhowaaqista Johnson, hoggaamiyaha xisbiga mucaraadka ee Labour-ka Keir Starmer ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka la filayey.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...