Sunday, May 31, 2026
26.9 C
Mogadishu

Golaha Wasiirrada maamulka Jubbalnad oo ka shiray Abaaraha iyo Amniga

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Khamiistii maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Wasaarada amniga ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada guud ee amniga iyo howlgalo ay hay’adaha amaanku wadeen maalmahii lasoo dhaafay kuwaas oo lagu soo qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo waday falal lid ku ah amaanka.

Wasaarada gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka ayaa ka warbixisay xaalada abaaraha iyo dadaalada ay Wasaarada oo kaashanaysa dhinacyada kala duwan ka wado meelaha Sida daran abaartu ay u saamaysay.

Sidoo kale Wasaarada Caafimaafka ayaa ka warbixisay xaalada xanuunka Covid19 oo Wali ka jira deegaanada Jubbaland isla markaana uu aad u hooseeyo baraaruga bulshada.

Ugu dambeyn, wasaarada Waxbarashada ayaa ka warbixisay imtaxanaadka dugsiyada Sare ee Jubaland oo dhawaan lasoo gaba gabeeyay iyo shaqooyinka ahmiyada leh ee wasaaradu ay ku xoojinayso Waxbarashada iyo barbaarinta da’yarta Jubaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...