Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

UPDATE: Qofkii 3-aad oo laga helay Fayraska Corona gudaha Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Kiiskii Saddexaad ee Coronavirus ayaa la xaqiijiyay, kaasi oo laga helay qof ku sugan gudaha Soomaaliya sida ay wada shaaciyeen dowladda Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay UNSOM.

Qofkaan Saddexaad ee laga helay Caabuqa Coronavirus, ayaa wuxuu yahay qof Ajnabi ah oo ka tirsan Shaqaalaha Qaramada Midoobay, balse lama sheegin dalka uu u dhashay.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo ka hadlaysay Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay ruuxaasi Ajnabiga in la karantiilay.

Sidoo kale, qoraal Boggooda Twitterka ay soo dhigeen Xafiiska Qaramada Midoobay UNSOM waxa ay ku xaqiijiyeen jiritaanka kiiskaasi, ruuxii laga helayna waxa ay sheegeen in la karantiilay.

Dalalka Caalamka oo dhan ayaa waxaa si fudud ugu faafay Coronavirus, iyadoo dalal badan bandow ay ku soo rogeen Magaalooyinka waaweyn si looga gaashaanto faafitaanka Caabuqaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...