Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Update: Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax xooggan ayaa waxa uu galabta ka dhacay isgoyska Jubba ee u dhaxeeya degmooyinka Boondheere iyo Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Qof waxlaha qarxa isku soo rakibay ayaa isku qarxiyay goob maqaayad ah oo ku taalla Isgoyska Jubba, xilli ay halkaasi buuxaan dad badan oo shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Halqaran News u sheegay, in qarax uu ka dhacay maqaayad ay fadhiistaan dad shacab ah, kuwaasi oo isticmaala qaadka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, walow aan si dhab ah loo ogeyn halka uu la egyahay.

Ciidamada amniga oo durba goobta gaaray ayaa xiray waddoonka soo gala halka uu qaraxa ka dhacay, iyagoona halkaasi ka bilaabay howlgallo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...