Muqdisho (Halqaran.com) – Qaraxii ismiidaamin ahaa ee ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof halka tobaneeyo kalena ay ku dhawacmeen, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu cambaareeyay weerarkan oo ay dowladdu ku eedeysay in ay ka danbeeyeen Al-Shabaab.
Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay qof walxaha qarxa isku soo xiray oo beegsaday maqaayadda ku taalla isgoyska Jubba oo ay dad badani ku fiidsanayeen.
“Mar labaad Al-Shabaab waxa ay caddeysay in rabshadda ay waddo aysan soohdin laheyn ayna si aan kala sooc laheyn u leyneyso dadka, Al-Shabaab waxa ay ku dadaashaa oo kali ah in ay gaysato burbur iyo fowdo. Himilooyinkaasina ma ahan kuwa meel ku leh Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu ku yiri ”Waxaan cambaareynayaa qaraxii a Al-Shabaab ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.”
Ururka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen saraakiil, Askar & Shaqaalo ka tirsan dowladda Soomaaliya wallow dadka ku dhintay qaraxaas ay ku jiraan dad badan oo Shacab ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





