Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax xooggan oo si weyn looga maqlay guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxani oo ahaa gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 12 ka April oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani uu ahaa mid Ismiidaamin oo lagu dhuftay iridda xerada oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasi oo geystay khasaare.
Lama oga ilaa iyo hadda inta uu la egyahay khasaaraha uu geystay qaraxaasi, walow ay jiraan dhimasho iyo dhaawac intuba.
Gaadiidka gurmadka deg-deg ah ayaa gaaray goobta, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlaha badbaadinta.
Sidoo kale, ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray ayaa xiray inta badan waddooyinka soo gala xarunta xisbiga.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





