Thursday, May 14, 2026
27.5 C
Mogadishu

Update: Puntland oo wajaheysa Ayaxii ugu badnaa ee ku soo duulay deegaannadeeda

Nugaal (Halqaran.com) – Waxaa saacadihii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ku habsaday Ayax farabadan, kaas oo dhibaatooyin farabadan u geystay dhul daaqsimeed ku yaalla deegaannada maamulkaas.

Meelaha ugu daran ee Ayaxa uu ku habsaday ayaa waxaa kamid ah dhul daaqsimeed ku yaalla gobolada Nugaal iyo Bari, waxaana sidoo kale jira Beero dalagyo ay ka baxayeen oo uu baabi’iyay.

Qaar kamid ah dadka ku nool deegaannada uu Ayaxa ku habsaday ayaa qeylo-dhaan waxaa ay u direen Madaxda Puntland, iyagoo ka dalbaday in wax lag qabto maadaama uu ku haayo dhibaatooyin kala duwan.

Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay ku jirtay dagaal xoogan oo ka dhan ah Ayaxa, iyada oo caawin ka heleysay Hay’adda FAO, iyaga oo adeegsanaya qalab iyo dad loo tababaray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...