Muqdisho (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.
Labadan mas’uul ayaa waxa ay kawad hadleen aragtidooda ku aadan hehsiiska doorashada oo ay dhawaan Madaxtooyada ku gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho.
‘‘Waxaan galabta kulan wada qaadanay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Ambasador James Swan. Waxaan ka wada hadalnay aragtideena ku aadan heshiiskii laga gaaray Doorashooyinka iyo kaalinta ay QM ka qaadan karto fulinta heshiiska‘‘, ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Saddex Sano iyo bar Kaddib tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Gudaha xarunta Madaxtooyada kula kulmay markii ugu horreysay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





