Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE: Puntland oo amar culus ku soo rogtay Warbaahinta madaxa-banaan + Hanjabaad cusub

Garoowe (Halqaran.com) – Wasiirka dowlad goboleedka Puntland, Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa shaaciyay shuruud adag oo la hordhigayo suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland.

Wasiir Sabareey ayaa amar ku bixiyay in dhammaan suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland ay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda warfaafinta ka hor 15 bisha soo socota ee Oktober.

Wuxuuna sheegay in aan suxufi loo aqoonsan doonin qofkii aan is diiwaa-gelin wakhtigaasi ka hor, islamarkaana tilaabo laga qaadi doono.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Sidoo kale, wuxuu amray in ay is diiwaangeliyaan dhammaan xarumaha warbaahineed ee ka hawlgala degaannada Puntland, si loola socdo shaqada ay ka hayaan gudaha Puntland.

Wasiirka dowlad goboleedka Puntland, Cali Xassan Axmed (Sabareey) ayaa sheegay in is diwaangalinta ka dib baaritaan lagu samayn doono aqoonta iyo khibradda suxufiyiinta, islamarkaana aqoonsiga lagala noqon doono suxufigii aan haysan xirfad ku filan.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...