Muqdisho (Halqaran.com) – Warar goor-dhow soo gaaray mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in Axaddii maanta magaalada Muqdisho lagu xayiray diyaaradii qaadi laheyd madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Shariif oo ka soo laabta dalka Turkiga, ayaa waxa uu doonayay in Muqdisho uu kaga gudbo Magaalada Kismaayo si uu uga qeyb galo Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Madoobe.
Diyaaradda oo aheyd mid Shacab ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ay u diiday in uu raaco Sheekh Shariif, waxaana dowladda ay ka dalbaday in qof Siyaasi ah aysan qaadi karin marka laga reebo Shacab, sida ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ay u sheegeen mareegta Halqaran.com.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhowr Sacadood ku xayirnaa Garoonka Muqdisho qeybta loogu tala galay Madaxda, waxaana ugu dambeyntii diyaaradii qaadi rabtay ay ka go’aansatay in ay ka tagto, laakiin Jubbaland ayaa ku amartay diyaaradda in aysan imaan karin Kismaayo hadii aysan soo qaadin Sheekh Shariif.
- AKHRI + XOG: Puntland oo si kulul u cambaareysay xayiraadii M/weynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif
- DAAWO SAWIRRO: Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda madaxweynayaashii hore Somaliya iyo Xildhibaano
- UPDATE: Madaxweynihii hore Somaliya Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay xayiraadii lagu sameeyay garoonka Kismaayo
Si kastaba ha’ahaatee, dhacdadan ayaa si weyn loo hadal haya Waxaana goobta hadda uu ku sugan yahay madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif ku sii qul qulaya Xildhibaano, Wasiirro iyo Saraakiil Ciidan.
Lama oga sida uu xaalka uu noqon doonto, maadaamka Sheekh Shariif loo diiday diyaaradii uu u raaci lahaa Kismaayo, Jubbalanna ay ku amartay diyaaradaasi in aysan imaan karin Kismaayo iyadoo aysan wadin Sheekh Shariif.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- AKHRI + XOG: Puntland oo si kulul u cambaareysay xayiraadii M/weynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif
- DAAWO SAWIRRO: Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda madaxweynayaashii hore Somaliya iyo Xildhibaano
- UPDATE: Madaxweynihii hore Somaliya Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay xayiraadii lagu sameeyay garoonka Kismaayo
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: ”Maamul xumada Muuse Biixi waxay keentay inay dadka Somaliland ku fikiraan inay JABHADO sameystaan!” waxa yiri…
- UPDATE: Puntland oo amar culus ku soo rogtay Warbaahinta madaxa-banaan + Hanjabaad cusub
- WAR CUSUB: DF Somaliya oo mar kale amar dul-dhigtay diyaaradaha u duulaya Kismaayo (Maxaa cusub?)
- Madaxweynaha Puntland ‘Deni’ oo Safar aan horey loo shaacin ku tagay Boosaaso (Ogow Ujeedka!)
- XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Somaliland ay Sheekh Maxamed Idiris ku amartay inuu si deg-deg ah uga baxo Hargeysa? (Ogow Sababta?)
- DHAGEYSO: Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay Sababta loo sugi la’yaha Amniga Muqdisho!
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com