Baydhabo (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Baydhabo ayaa lagu qabtay shaqsi hay’adaha amnigu sheegeen inuu doonayey inuu isku qarxiyo magaalada Baydhabo
Shaqsigan ayaa lagu magacaabaa Isaaq Nishow, kaasi oo ku hubeysanaa Jaakad bam ku xiran qori AK 47 iyo booshkiisa, halka ninkan kale ee qoriga sitana uu isku soo dhiibay Ciidanka amniga.
Taliyaha Ciidamada Booliska Baydhabo ee Koonfur Galbeed Muqtaar Ibraahim Dumbudow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ninkaas uu doonayay inuu shacabka ku dhaqan Baydhabo isku qarxiyo, hayeeshee gacanta lagu dhigay.
Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in ninkan uu damacsanaa in uu ismiidaamin ka gaysto Magaalada Baydhabo, isla markaana xusay in laga soo diray Deegaanka Ufurow ee Gobolka Baay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






