Wednesday, May 6, 2026
28.5 C
Mogadishu

Kenya oo ku dhawaaqday in ay kala Baxeyso Ciidankeeda ka jooga Gudaha Soomaaliya

Nairobi (Halqaran.com)- Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidankeeda qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay kala baxeyso.

Wargeyka Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa waxaa uu qoray in wadahadalo uu dhexmari doono Wasiirka Difaaca Kenya iyo Madaxda sare ee Midowga Afrika, kaasi oo looga hadli doono sidii Kenya Ciidankeeda uga bixi laheyd howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay bilawdo wadahadalada ciidamadeeda ka la baxayso howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), sida uu qoray Wargayska Daily Nation.

Monica Juma Wasiirka Difaaca Kenya ayaa hoggaaminaysa wadahadala oo ay ka qayb galayaan Madaxda Midowga Afrika si ay Ciidankeeda ugala baxdo Howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya in badan 10 sanno.

Wadahadalka ayaa ujeedadiisu tahay in la soo afjaro ku dhawaad sideed sano oo ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ay ku sugnaayeen Soomaaliya, waxaana Kenya filaysaa in uu ka yaraan karo weerarada Dhiiga badan ku daatay ee Al shabaab ka gaysteen Gudaha Kenya iyo weerarada Ciidanka Kenya kala kulmaan dagaalyahanada Hubaysan ee saldhigoodu yahay Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa kal hore sheegay in Ciidankooda aysan kala soo bixi doonin ah gudaha Soomaaliya, hayeeshee howlgalka Ciidanka Kenya ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid soo gaba-gaboobay, kaasi oo 8 sano jirsaday.

Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa Ciidamada dowladda Kenya u ogolaaday inay Soomaaliya soo galaan Bishii October ee sanadkii 2011kii, waxaana Kenya la ansixiyay inay kamid noqdaan Howlgalka AMISOM sanadkii 2012.

Wadahadalada ayaa imanaya xili ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Jubbaland ay ku dagaalameen Gobolka Gedo,kaas qatar galisay guulihii laga gaaray la dagaalanka Al Shabaab sida Wargaysku ku waramay.

Iyada oo uu socdo qayb ahaan qorshaha kala guur ah ee AMISOM Amaanka dalka ugu wareejinayso Ciidanka Amaanka Soomaaliya,ayaa Kenya qorshaynaysaa in ay dhinto Ciidankeeda ku sugan Soomaaliya.

Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya wuxuu daba socdaa soo-jeedin Qaramada Midoobay 2018-2021 oo bixinaya qeexitaan wax ku ool ah oo ku saabsan hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...