Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Maxay siday diyaaradii maanta ka dagtay magaalada Kismaayo +Ujeedka

Kismaayo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in maanta Garoonka Magaaladaasi ay ka dagtay diyaarad.

Kismaayo waxaa saaran xayiraad dhanka duulimaadka ah oo ay saartay dowladda Federalka Soomaaliya, waxaana arrintaasi saameyn ay ku yeelatay nolosha shacabka ku nool Magaaladaasi.

Diyaarada maanta ka dagtay Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka ambabaxday Magaalada Muqdisho, waxaana wararka ay sheegayaan diyaarada inay aheyd mid faaruq ah.

Diyaarada waxaa saarnaa oo kaliya shaqaalaha ka shaqeeya gudaha diaayaradaasi iyo hawlwadeeno caafimaad.

Markii ay gaartay kismaayo waxa ay halkaasi ka soo qaaday dad shacab ah oo xanuunsanaa, kuwaasi oo lagu sii diyaariyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya dadka xanuunsan ee lagu soo qaaday diyaaradaasi in loo soo qaaday Muqdisho, islamarkaana la doonaayo in lagu daaweeyo Muqdisho.

Xayiraadii dowladda Federalka Soomaaliya ay saartay Magaalada Kismaayo ayaa wali saaran Magaaladaasi, waxaana arrintaasi ay saameysay dadka ku nool deeganada Maamulka Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...