Saturday, June 6, 2026
28.1 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay qaraxii maanta ciidamada DFS lagula eegta Marka & Khasaaraha

H/Hoose (Halqaran.com) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa qarax miino lagula beegsaday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabllaha Hoose, iyadoo qaraxaasi uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya lagula beegsaday xaafadda Awbaale, gaar ahaan goob la sheegay in ay ciidamadu fadhiyeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in goobtaasi laga qaaday dhaawacyada ugu yaraan shan ka mid ah Ciidamada Dowladda, inkastoo laba ka mida ay u geeriyoodeen dhaawacyadii qaraxaasi ka soo gaaray.

Ururka Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxa ayaa ku faanay in ay ku dileen laba ka mid ah Ciidamada Dowladda, halka ay ku dhaawaceen toban kale.

Ciidamada Dowladda oo hawlgal ka sameeyay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaan jirin cid la sheegay in ay qaraxaasi u soo qab qabteen.

Si kastaba, qaraxan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli amniga Magaalada Marka uu aad uga soo reynaayay muddooyinkii ugu dambeysay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...