Saturday, January 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

UPDATE: Maxaa jira in Ilhaan Cumar ay taageero u muujisay Kurdiyiinta uu Turkiga dagaalka kula jiro?

Ilhaan Cumar /Sawir Hore/ Photo: Reuters

Washington (Halqaran.com) – Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Mareykanka ayaa taageero u muujisay Kooxaha Kurdiyiinta ee Turkigu uu dagaalka kula jiro.

“Waa in aan joojino hubeynta iyo taageeridda maamulada aan naxariista lahayn, waana inaan eegno shuruucdeena dibadda ee meelaha anan u adeegsanayn nolosha iyo bini-aadamka dhibban”ayey tiri iyadoo ka hadleysay duullaanka Turkiga ee Suuriya.

“Su’asho waxay tahay in haddii Kurdiyiintu xaq u leeyihiin in ay jiraan iyagoo Kurdi ah. Waa inaan bartamaha dhigno xuquuqda iyo sharafta Bini-aadamnimada. Waa inaan sal uga dhigno xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta”, ayey tiri Ilhaan oo ka hadleysay fadhiga guddiga arrimaha Dibadda u qaabilsan Congress-ka Mareykanka oo su’aalo weydiinayay safiirada.

Turkiga ayaa si khasab ah dib ugu celinaya qaxootiga Suuriya oo la geynayo xuduudda, si loo dejiyo aagga nabadda ah in kastoo dagaalka uusan weli dhammaan, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka Reuters oo sii xigatay hay’dda u doodad xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Hay’adda kale ee xuquuqda u dooda ee Human Rights Watch waxay sidoo kale sheegtay in “mamulka uu si aan kala sooc lahayn u xir-xirayo una musaafurinayo tobannaan qof oo Suuriya u dhalatay kuwaas oo la geeyay Waqooyiga Suuriya, muddadii u dhexeysay January iyo September” ee sannadkan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...