Monday, April 20, 2026
30.5 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Xildhibaano ka xanaaqay hanjabaadii madaxweyne Deni, ‘‘ Si aan xushmad laheyn buu madaxdii madasha ula dhaqmay‘‘!

Garoowe (Halqaran.com) – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa si adag u dhaliilay Madaxwayne Siciid Deni, oo Ka baxay Golaha Baarlamaanka Markii uu Xildhibaan Su’aallo kulul waydiiyey.

“Madaxweyne Deni wuxuu billaabay Hanjabaad, iyo inaanu Xushmayn Dadkii iyo madaxdii madasha ku sugnaa, Sharciga ayaanu ku kala bixi doonaa oo Jawaab uu ka heli doonaa”.

“Madaxwaynaha wax xumaan ah lama odhan, Su’aal ayaan waydiiyey, waad u jeedeen si cadho leh ayuu Hoolka uga baxay, xildhibaan ahaan iyo Bulsho aan dib ayaanu isugu noqon doonaa”.

Xildhibaan Cawil ayaa la weydiiyay iney wadaan Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Siciid Deni ayaa ku jawaabay “Shalay anaga ayaa dooranay biyo uma kaban doono Inaan Xilka ka qaadno, hadduu dastuurka jabiyo”.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa sheegay in Siciid Deni maalintii la doortay uu ku yimid, islamarkaana isagoo shacab ah uu yimid Xarunta baarlamaanka, isagoo Madaxwayne ahna uu ka noqday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...