Wednesday, April 29, 2026
29.7 C
Mogadishu

UPDATE: Mareykanka oo si kulul uga hadlay kalsooni kala noqoshadii RW Kheyre

Muqdisho (Halqaran.com) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxay walaac xoogan ka muujisay tallaabadii, Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ay kalsoonida ugala noqdeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay tani kaga sii dari doonto xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Arrintan waxa ay cirka ku sii shareereysaa xiisadda siyaasadeed, isla-markaana waxay carqaladaynaysaa wadahadaladii bilowga ahaa, ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Safaaradda Mareykanka ayaa ku goodisay in uu tallaabo ka qaadi doono kuwa wax burburiya, ee doonaya inay carqaladeeyaan horumarka iyo xasiloonida ee dalka.

“Waxaan tallaabo ka qaadi doonnaa kuwa wax burburiya oo doonaya in ay carqaladeeyaan horumarka iyo xasiloonida, dowladnimo loo dhan yahay iyo horumarka.”

“Ma dooneyno in Soomaaliya ay waddo khaldan raacdo. Maraykanku wuxuu mar walba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyaasha danta dalkooda ka hormariya tooda gaarka ah.” ayaa lagu sheegay qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Mareykanka ayaa DF Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Golaha Shacabka iyo dhinacyada kalaba ugu baaqay inay sii wadaan fulinta heshiiskii lagu gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba, RW Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo Xildhibaannada aqalka hoose ee Baarlamanka ay xukuumaddiisa kala laabteen kalsoonida oo arrintaasi xalay saqdii dhexe ka hadlay ayaa sheegay in wixii ka dhacay Xarunta Golaha shacabka ay ahaayeen wax baal marsan sharciga dalka, balse isagoo u turaya shacabka uu xilka iska casilay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...