Gaarisa (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxaa ay dileen laba qof oo Shacab Soomaali ah, xilli ay ku sugnaayeen Suuqa Xoolaha Magaalada Gaarisa.
Dilka labada Qof ee Somaalida ah ayaa ka dambeeyay, kadib markii Suuqa xoolaha ee Magaalada Gaarisa ay soo galeen Ciidamo ka tirsan booliska Kenya, kuwaas oo baadi-goobayay rag dambiilayaal ah, isla markaana rasaas ay fureen ay ku geeriyoodeen laba qof oo rayid ah.
Sidoo kale, ciidamada ayaa xiray Suuqa Xoolaha Magaalada Gaarisa, waxaana dilka labada qof ka dhashay rabashado ay sameeyeen dadka Shacabka ee Magaalada Gaarisa gaar ahaan Soomaalida, kuwaas oo dalbanayay in cadaalad loo helo dilkaas.
Qaar kamid ah Soomaalida Magaalada Gaarisa ayaa waxaa ay sheegeen in dadka la dilay ay ahaayeen kuwo dalaal ka ahaa Suuqa Magaalada Gaarisa, waxaana ay dalbadeen in dowladda Kenya ay tallaabo ka qaado askartii dilkaasi ka dambeeysay.
Wararka ayaa sheegaya, in Ciidamadii dadka Shacabka ahaa dilay ay goobta ka baxsadeen, isla markaana banaanbaxyo ka dhashay dilkaasi ay sababtay in qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa Magaalada Gaarisa hantidooda la boobo.
Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa Bartiisa Twitter-ka ku qoray in gacanta lagu soo dhigo Saraakiisha dilka u geystay dadka Shacabka ahaa ee ku noolaa Magaalada gaarisa, sla markaana talaabo laga qaado.
Ugu dambeyn, Waxaa maanta xiran suuqa weyn ee Magaalada Gaarisa, waxaana dad ka carooday dilka labada qof ay taayaro ku gubeen waddooyinka laga galo suuqa, iyagoona diiday in Suuqa la galo lagana baxo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com