Tuesday, May 12, 2026
27.6 C
Mogadishu

UPDATE: Kulamo gaar gaar ah oo weli ka socda magaalada Dhuusamareeb +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka socda kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo halkaasi u tegay shir gaar ah oo ay yeelanayaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb Qado sharaf ugu sameeyey madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada  Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Kulanka ayaa ahaa mid gogol xaar u ah shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maalinta berri (Sabtida) si rasmi ah uga furmaya magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa in shirka madaxda dowlad Goboleedyada uga hadlaan siyaasadda dalka, xaalada kala guurka oo ay ugu horreyso doorashada 2020-2021, waxaana magaalada iminka ka socda diyaar-garowgii ugu dambeeyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...