Tuesday, May 12, 2026
27.6 C
Mogadishu

Dad shacab ah oo ku dhintay gaari lagu rasaaseeyay Sh/Dhexe

Cadalle (Halqaran.com) – Gaarigaan oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ookusii jeeday deegaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxaa lagu soo warramayaa in rag hubeysan ay ku rasaaseeyeen degaan hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gaariga oo ah nooca loo yaqaano Leyla Calaawi uu siday dad rakaab ah, balse  xilli uu marayay tuulada Bashaqle oo hoostagata degmada Cadale uu ku dhacay rag ay isbaaro u taallay deegaankaas, waxaana muran ka dhashay ragga hubeysan oo lacag doonayay ay sababtay in gaariga la rasaaseeyo.

Inta la xaqiijiyey rasaastaas ay kooxaha hubeysan fureen ayaa waxaa ku geeriyooday wadihii gaarig, kaas oo lagu Magacaabi jiray Farxaan Xersi Baseey.

Raggii hubeysnaa ee gaariga rasaaseeyay ayaa goobta isaga baxsaday, iyada oo meydka Ninka ku dhintay rasaasta loo qaaday deegaanka Godinlabe oo la sheegay in uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

Mararka qaar ayaa Gaadiidka ku safra deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ay la kulmaan kooxo burcad ah oo u geysta falal isugu jira dhac iyo in la rasaaseeyo taas oo keenta waxyeelo soo gaara rakaabka.

Weli kama aysan hadlin falkan maamulka degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana horay u jirtay in deegaanno kale oo hoostaga degmadaasi ay ka dhaceen in dhac loo geysto dadka Shacabka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...