Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

K/Galbeed oo ku dhawaaqday howlgallo lagu furayo waddooyin u go’doonsan Al-Shabaab

Baydhabo (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Isaag Cali Subag ayaa Arbacadii maanta Shir gudoomiyey Shirka Golaha Amniga, kaas oo toddobaad walba lagu qabto Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxaa toddobaadkan looga hadlay shirkan xaaladaha Ammaan ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed iyo u diyaar garowga howlgalo lagu furaayo Waddooyinka u go’doonsan Al-Shabaab ee Gobollada, Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiil ka socotay Dowlada UK oo taageero dhanka Amniga ah siisa Koonfur Galbeed, Amisom iyo Taliyaasha Booliska iyo Milateriga ayaa lagu go’aamiyay in la qado howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Isaag Cali Subag, wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa saraakiisha Ciidamada kala duwan la wadaagay in Amniga deegaannada Koonfur Galbeed uu yahay mid wanaagsan, sidoo kalena Ciidamada Dowladda, Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay wadaan howlgallo kala duwan.

Si kastaba, deegaannada dowladda Koonfur Galbeed ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weerarro qaraxyo ah iyo dagaal dhex-mara Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaada Al-Shabaab.

Waxaana ugu dambeeyay dagaal gelinkii dambe shalay ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...