Beledweyne (Halqaran.com) – Waxaa Jimcihii maanta magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kulan ku yeeshay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax oo shalay gaaray halkaas iyo qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.
Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlayeen sidii loo dejin lahaa xiisada ka dhalatay safar la sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu ku tegi lahaa Magaalada Beledweyne.
Arrintan ayaa sababtay in Jimcihii maanta ay dagaallamaan Maleeshiyaadka diidan safarka Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo uu hoggaminayo sarkaal lagu Magacaabo Abuukar Xuud iyo Ciidamada Booliska ee ku sugan Beledweyne.
Wararka ayaa sheegaya, in Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax iyo qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay ku heshiiyen kulankaasi Afar qodob loo lagu dejin karo xiisada ka taagan Beledweyne. Waxayna kala ahaayeen:
1 – In Wasiirka Arrimaha gudaha uu Odayaasha u ballan qaaday in Madaxweynaha Hirshabeelle tegi doonin Beledweyne ilaa xal laga gaaro khilaafka jira iyo tabashada ay qabaan Reer Hiiraan.
2 – In Ciidamada Dowladda aysan awood Ciidan u adeegsan doonin dadka diidan dhismaha Maamulka Cusub ee Hirshabeelle, kuwaas oo maalamahaan banaanbaxyo ka waday Magaalada Beledweyne.
3 – Wasiirka Arrimaah Gudaha ayaa Odayaasha Dhaqanka ka dalbaday inay xiisada dejiyaan sidoo kalena ka qeyb qaataan sidii loo furi lahaa wadooyinka ay xireen dadka banaanbaxa ka dhigayay Magaalada Beledweyne.
4 – In Odayaasha Dhaqanka ay Wasiirka u keenaan Warqad ay kusoo qorayaan tabashada ay ka qabaan Maamulka Hirshabeelle si uu ugu gudbiyo Madaxda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa maalmihii la soo dhaafay si weyn looga dareemayay xiisada dagaal oo ka dhalatay markii Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed uu Beledweyne ka sheegay in uu tagayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe si loogu caleemo saaro, hayeeshee ay kasoo horjeesteen maleeshiyaad uu hoggaaminayo Janeraal Abuur Xuud oo kamid ahaa musharraxiintii isaga haray tartanka Madaxweynaha Hirshabeelle.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





