Saturday, June 27, 2026
25 C
Mogadishu

UPDATE: Guddiga Doorashada garabka DF Somaliya oo cadaadis saaray Musharraxiinta Galmudug

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ee garabka dowladda ayaa cadaadis ku haya musharaxiinta u taagan jegada Madaxtinimada Galmudug, ee diidan sida ay wax u socdaan.

Afar ka mid ah musharaxiinta, laguna tiriyo kuwooda ugu cadcad ayaa waxay iska diideen inay ka qaybgalaan Doorashada Xafiiska Madaxtooyada, haddii Guddigii Doorashada uu laba garab u kala jabay.

Guddiga Doorashada ayaa toddobadkii hore isu khilaafay cidda ay tahay inay qabato Hoggaanka Guddiga, oo Ahlu Sunada Galmudug ay dalbatay in dhankeeda laga soo xulo, maadaama Gudoomiyihii Guddiga Doorashada ee Guddoonka Baarlamaanka uu ahaa mid ka socday dhinaca dowladda.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee garabka dowladda ayaa ka digay in musharaxii diida qaban-qaabadooda Magaalada Dhuusmaareeb uu yahay mid aan horu-socod doonayn.

Guddoomiyaha oo u waramay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa sheegay inay iyagu dhexdhexaad ka yihiin Doorashada Madaxtooyada Galmudug, inta badan dadkuna uu ku qanacsan yahay hawsha ay wadaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay diiwaan-geliyeen inta badan musharaxiinta, inta aan weli la diiwaan-gelina uu ugu yeerayo inay isa soo diiwaan-geliyan, haddii kalena ay yihiin kuwo aan horu-socod lahayn.

Saamileyda siyaasadda Galmudug ayaa si xoogan uga horyimid dadaalada ay dowladdu ku dooneyso inay ku soo dhisto Galmudug-ta cusub, sababo ku aadan iyagoo dowladda ku eedeeyay inaanay dhexdhexaad ka ahayn arrimaha doorashada.

Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dowladda ku eedeeyay mid faraha kula jirta dhismaha maamul aanay raali ka ahayn dadkii deegaanka, halka Ahlu Sunna ay dooneyso buu yiri in la dhiso maamul ay u dhan yihiin dadka reer Galmudug.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay taageereyso shakhsiyaad gaar ah, oo ay la dooneyso inay madax ka noqdaan maamulka cusub ee Galmudug.

Si kastaba ha’ahaatee, Khilaafka xargaha goystay ee wiiqay Doorashada Madaxtinimada Galmudug ayaa dadku sababteeda dusha uga tuuraan Villa Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...