Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya qaraxyadii xoogganaa ee duhurnnimadii maanta ka dhacay xarunta wasaaradda Waxbarashada oo ku taalla agagaarka laami yaraha Zoobe ee Muqdisho, kuwaa oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba.
Qaraxyadan ayaa waxaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa marka hore lagu dhuftay albaabka hore ee Wasaaradda Waxbarashada, kadibna waxaa xigtay rasaas xooggan oo bilaabatay, taasi oo ridayeen rag hubeysan oo Xarunta Wasaaradda galay.
In ka badan 10 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan ka tirsanaa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarka qaraxyada, halka dad kale ay ku dhaawacmeen oo ku jiro Taliye Mahad Koroow, kuwaasi oo durbadii la geeyay goobaha caafimaadka.
Dadka la xaqiijiyay inay qaraxyada ku dhinteen ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hodan iyo Wariye Maxamed Ciise Koonaa oo kamid ahaa Wariyeyaasha Tv-ga M24 Somali tv, halka ay ku dhaawacmeen Agaasimaha Tv-ga Cabduqaadir Ok, Feysal Cumar oo ah Sawir qaade iyo Wariye Ciise Cabdi Ciise oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada.
Sidoo kale, waxaa jira dad shacab ah oo aad u farabadan, kuwaas oo qaraxyada dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaaray.
Dadka badi ee dhintay ayaa waxa ay saarnaayeen Mootooyinka Bajaajta, xilli ay marayeen waddada hormarta Xarunta Wasaaradda waxbarashada oo ciriiri badan uu kajiray.
Si kastgaba, laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xiray waddooyinka soo gala Xarùnta Wasaaradda oo mararka qaar laga maqlayo rasaas, iyada oo la xaqiijiyay inay ka maqnaayeen xilliga la weeraray Xarunta Wasiirka Waxbarashada, ku-xigeenkiisa iyo Agaasimaha Ģuud ee Wasaaradda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





