24.5 C
Mogadishu
Sunday, August 14, 2022

UPDATE: Faah-faahin dheeraad ah dagaalkii Marka oo uu ku wajahanyahay RW Kheyre & Wararkii ugu dambeeyay

Marka (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaysa dagaal xooggan uu ka dhacay duleedka Magalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo u dhexeeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada militariga Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan militariga soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka deegaanka Jilib Marka ee gobalka shabeellada Hoose.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay dagaalka uu khasaaro xoogan soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay duleedka magaalada Marka ee gobalka Shabeellada hoose.

Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku geeriyootay oo ahaa dhinacyadii dagaalka ku dhex maray duleedka magaalada Marka, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Ilaa iyo hadda ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay militariga Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay ka warbixiyaan dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Jilibka marka ee gobalka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale, wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ayaa sheegaya in Jimcihii maanta ciidamada xooga ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan duleedka Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellada Hoose, maadaama halkaasi uu ku wajahan yahay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as...

One million people displaced by drought in Somalia, says UN

A historic drought in Somalia has now displaced one...

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...
spot_img

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo dhagax dhigay dhismaha Buundo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtida maanta ah dhagax dhigay dib-udhiska Buundada...

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardaaran cajiib ah u diray Shacabka Somaliland

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mudaaharaadyadii rabshadaha xigay ee Khamiistii ka dhacay qaar ka mid ah Magaalooyinka...

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as Wajir South member of parliament. Mohammed Adow who was a correspondent of the international media won...