Balanbale (Halqaran.com) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Qeybta 21- aad oo gaaray deegaano ka mid ah degmada Balanbale ayaa halkaasi ka bilaaban daddaallo kala duwan oo lagu soo Afjaraayo dagaal beeleed halkaasi ka socda.
Saraakiisha Ciidanka hoggaaminaya ayaa kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka degmada Balanbale, waxaana ay ka dalbadeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, islamarkaana la kala qaado maleeshiyaadka hubeysan.
Odayaasha dhaqanka ayaa aqbalay joojinta dagaalka, waxaana hadda la gaaray isfaham horudhac ah, sida ay sheegeen Saraaakiisha Ciidanka.
Odayaasha dhaqanka ayaa ka codsaday Saraakiisha Ciidanka in ay joogaan magaalada si ay qeyb uga noqdaan dadaallada dib u heshiisiinta ee ka bilowday magaalada Balanbale iyo degaannada hoos yimaada.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com