UPDATE: Duqeymo hor-leh oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Jubbooyinka & Wararkii ugu dambeeyay

Bu’aale (Halqaran.com) – Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya, in duqaymo hor leh diyaarado dagaal ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen Degmooyinka Bu’aale, Jilib iyo Jamaame oo ka kala tirsan Gobolada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Diyaarado dagaal oo aan la shaacin dalka laga leeyahay ayaa garaacay xarun ay Ururka Al-Shabaab ku leeyihiin Degmada Jilib. Xaruntan ayaa ka mid ah koobaha ay hubka ku keydsadaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wararka ay haleyso warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegaya, in duqayntaasi lagu dilay tiro ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, inkastoo ay adag tahay in xog dheeri ah laga helo tirada saxda ah ee halkaasi lagu dilay.

Duqayn kale ayaa waxay ka dhacday Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe, ka dib markii la garaacay saldhig ay ka hawlgalaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya, in isla xalay weerar kale oo dhanka cirka xarun lagu tababaro mintidiinta Al-Shabaab lagula beegsaday Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalyahanada Al-Shabaab oo goobahaasi gaaray ayaa isu gadaamay, taasoo adkeynaysa in macluumaad faah faahsan laga helo khasaaraha ka soo gaaray Shabaabka ka dagaalamaya dalka.

Saraakiil Militariga Soomaaliya ka tirsan ayaa laga soo xigtay in duqaymahan ugu dambeeyay lagu bartilmaameedsaday goobo ay maamulaan Shabaabka, laguna dilay Saraakiil iyo dagaalyahanaba.

Duqaymahan ayaa waxay ku soo aadayaan, xilli diyaaradaha dalka Mareykanka ay Gobolka Shabellaha Hoose ka fuliyeen illaa saddex weerar. Lba ka mid ah weeraradaasi waxaa laga fuliyay Deegaanka Kuunyo Barrow, halka midka kalena uu ka dhacay Deegaanka Caliyow Barrow.

Si kastaba ha’ahaatee, weeraradan ayaa ku soo beegmaya, kaddib ismiidaamintii dadka badan ku dhinteen ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com