Wasiir Maareeye: ”Dalkan Argagixiso caalamiya iyo kuwo gudaha ah oo dhallinyaradii Soomaaliyeed la qalday ayaa weerar ku ah‘‘

Wasiir Maareeye
Wasiir Maareeye

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ku faanay in Ciidamada Dowladda ay ka itaal roonaadeen maleeshiyada Al-Shabaab, ayna baacsanayaan.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd inay dowladdu dayacday amniga shacabka Somaaliyeed ayaa taasi meesha ka saaray, isla-markaana ay ka hortaggaan boqolaal qarax, oo lamid ah kii Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

“Dowladnimada Soomaaliya, sida ay u koreyso iyo sida u dhismeyso hawl badan ayaa la qabtay. Dalkan argagixiso caalamiya iyo kuwo gudaha ah oo dhalinyaradii Soomaaliyeed la khalday, maskaxda laga bedelay ayaa weerar ku ah, dalkuna dal burburay oo hubeysan ayuu ahaa. Marka wadamo waaweyn oo runtii naga dhaqaalo badan oo nidaamka dowladnimada ka burburin ayaa argagixisadu falal noocaanoo kale ka gaystaan. Boqolaal qaraxyo ayaanu ka hortagnaa oo shacabka Soomaaliyeed ka badbaadinaa oo kuwaan oo kale, oo dhagarqabayaashu soo maleygeen.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda oo kaashanaya saaxiibada Somaliya ay dagaalka kaga itaal roonaadeen mintidiinta Al Shabaab, isla-markaana ay ku hayaan weeraro joogto oo dhul iyo cirba leh.

“Ciidamadayadu waad ogtahay hadda inay ka itaal roonaadeen oo ay baacsanayaan argagixisada. Waad ogtahay anaga iyo dowladaha aan walaalaha nahay ama aanu amniga ka wada shaqayno inaanu ku hayno weeraro dhulka iyo cirka oo joogto ah, oo madaxdoodii la baabi’inayo. Naf la caari weeye.”Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Maareeye ayaa yiri “Markaa masuuliyadayadu, dabcan dadku waa naga suggayaan inaanu qof kastoo Soomaaliya’ siino ammaan, nolol, caafimaad iyo waxbarasho, wixii awoodayada ka baxsana inaanu kabano oo gudanaa u soconaa.”

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu Axadii siiyay Laanta afka Somaliga ee BBC.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com