Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Maxaabiis Al-Shabaab ah oo maanta ka baxsatay Xabsiga dhexe ee Xamar

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar aynu ka helnay Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in saddex maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ay baxsadeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mid ka mid ahaa maxaabiista dib loo soo qabtay, xilli uu ku sugnaa agagaarka Kawaanka degmada Xamarweyne balse weli ay maqan yihiin labada kale.

Xubnaha baxsaday ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana horey loogu riday xukunno.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xubnaha baxsaday mid kamdi ah uu ku xukunaa Xabsi daa’in halka midka kale uu ku xukunaa 15 Sano oo Xabsi ah.

Xabsiga Dhexe ee Xamar oo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu yahay mid amnigiisa si weyn loo ilaaliyo, waxaana caddeyn sababta keentay in Maxaaabiis xukunaa ay baxsadaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...