Saturday, April 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Diyaaradaha dagaalka ee Kenya oo dul wareegaya hawada BeledXaawo (Maxaa cusub?)

BeledXaawo (Halqaran.com) – Diyaaradaha miigaga ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa gelinkii dambe Sabtidii maanta dulmaray Degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo, taasoo baqdin ku abuurtay dadka deegaanka.

Diyaaradahan oo loo maleynayo in ay ka soo kicitameen Saldhiga Militariga Kenya ku leeyahay Degmada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa galabta la arkaayay iyagoo ku duulaya hawada Degmada BeledXaawo.

Diyaaradahan oo tiradooda laba xabo lagu sheegay ayaa ku dul heehaabayay hawada degmadaasi xuduuda dhacda.

Daahir Aadan Maxamuud oo ka mid ah dhalinyarada reer BeledXaawo ayaa sheegay in tani walaac iyo baqdinba ay ku dhalisay bulshada reer BeledXaawo, mar uu la hadlayay mareegta Halqaran.com.

Wuxuu Daahir Aadan xusay, in dadka deegaanka ay aad u hadalhayan diyaaradaha Kenya laga leeyahay ee dulmaray degmadaasi.

Dhanka kale, Daahir Aadan ayaa sheegay in caawa ay diyaarad nooca wax basaasa dul-taagan tahay Degmada BeledXaawo, iyadoo sida uu sheegay aanay garanayn ujeedadeedu.

Sidoo kale, wuxuu intaa ku daray in diyaaradahan isaga soo daba laabtay Degmada BeledXaawo, ay xoojinayso dareenkii ay dadka deegaanka kol hore ka muujiyeen dagaalkii 2-dii bishan ka dhacay xuduuda BeledXaawo iyo Mandhera.

Tani ayaa ku soo beegmeysa, xilli Madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay daddaal ugu jiraan, sidii looga gudbi lahaa xiisadda horaantii bishan ku soo korodhay xadka laabda dal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...