Tuesday, May 26, 2026
26.6 C
Mogadishu

UPDATE: Dab khasaaro geystay oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla Dhuusamareeb & Dabkii oo …

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya, Dab xooggan oo khasaare geystay oo maanta ka kacay goob ganacsi oo ku taalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ay haleyso Warbaahinta Halqaran.com, ayaa sheegaya in lagu guuleystay in la damiyo Dabkaasi khasaaraha hantiyadeed geystay ee ka kacay Dhuusamareeb.

Waxaa la sheegay, in Dabkaasi uu markii hore uu ka bilaawday kaalin Shidaal oo ku taalla Bartamaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ku fiday goobo Ganacsi oo ku dhegan Kaalinta Shidaalka.

Qaar ka mid ah bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb iyo maamulka magaalada ayaa deddaal farabadan oo ay sameeyeen kadib waxaa ay ku guuleysteen in Dabkaasi la demiyo.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ganacsastada leh goobaha Ganacsiga ee uu Dabka saameeyay ayaa sheegay in magaalada Dhuusamareeb aysan laheyn hal gaari oo dab demis ah, islamarkaana ay tahay arrintaasi nadiib darro.

Ganacsatadaan ayaa sheegay, in dabkii maanta ka kacay Goobaha Ganacsi ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb uu sababay khasaaro hantiyadeed, hayeeshee ay deddaal badan ku bixiyeen sidii loo yareyn lahaa kuna guuleysteen.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb dhowr jeer oo hore sidaan oo kale dabka uga kacay, kaas oo geystay khasaaro hantiyadeed, waxaana caqabado koowaad ay Bulshada magaalada ku sheegeen in Magaalada aysan laheyn gawaarida dab demiska.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...