Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in waddooyin badan oo ku yaalla Muqdisho oo Maamulka Gobolka Banaadir dhismahooda uu ku bixiyay Malaayiin Dollar la burburiyay.
Cumar Filish ayaa sheegay in Ganacsatada waratada ah ee ku nool Muqdisho waddooyin badan oo la dhisay ay ganacsiyo yaryar ka sameysteen, isla markaana qarkood ay laamiga surteen dalado burburiyay waddooyinka.
Sidoo kale, guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uu diyaar u yahay dhismaha waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho, hayeeshee Bulshada aysan fahansaneyn Sahqooyinka loo haayo.
Waddooyin farabadan oo ku yaalla gobolka Banaadir ayaa la dhisay, waxaana qaarkood ay noqdeen kuwo dib u burburay oo xilliyada roobka ay biyo farabadan fadhiistaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com