Friday, July 10, 2026
26.8 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo si kulul u eedeeyay qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in waddooyin badan oo ku yaalla Muqdisho oo Maamulka Gobolka Banaadir dhismahooda uu ku bixiyay Malaayiin Dollar la burburiyay.

Cumar Filish ayaa sheegay in Ganacsatada waratada ah ee ku nool Muqdisho waddooyin badan oo la dhisay ay ganacsiyo yaryar ka sameysteen, isla markaana qarkood ay laamiga surteen dalado burburiyay waddooyinka.

Sidoo kale, guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uu diyaar u yahay dhismaha waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho, hayeeshee Bulshada aysan fahansaneyn Sahqooyinka loo haayo.

Waddooyin farabadan oo ku yaalla gobolka Banaadir ayaa la dhisay, waxaana qaarkood ay noqdeen kuwo dib u burburay oo xilliyada roobka ay biyo farabadan fadhiistaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...