Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

UPDATE: Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Al-Shabaab deegaanno cusub kala wareegay

Bakool (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka Bakool ayaa sheegaya, in ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan ay howlgal kula wareegeen deegaanno ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Guutada 9aad ee gobolka Bakool oo howlgalka fulinayay ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid qorsheysan oo ay amniga ku xaqiijinayeen sidoo kalena ay ku doonayeen inay Al-Shabaab kaga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi Bakool.

Taliyaha Ciidamada guutada 9aad qeybta 60aad Muqtaar Maxamed Cabdullaahi Geeseey ayaa sheegay in Ciidanka ay howlgalka kula wareegeen deegaanka Abaq-geedeey oo qiyaastii 20km dhanka Bari uga beegan Magaalada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool.

Waxaa uu sheegay taliyaha in deegaankaas uu fariisin weyn u ahaa Ururka Al-Shabaab, balse Ciidamada ay la wareegeen, iyada oo uusan ka dhicin wax dagaal ah welina ay howlgalka sii wadaan.

Taliyaha Ciidamada guutada 9aad qeybta 60aad Muqtaar Maxamed Cabdullaahi Geeseey ayaa ugu dambeyn,  waxa uu sheegay in Ciidamada ay weli yihiin kuwo u diyaarsan sugida amniga deegaannada Koonfur Galbeed iyo inay ka hortagaan weerarada Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...