Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

UPDATE +VIDEO: Bukaannada ka bogsoonaya Cudurka Covid-19 oo kordhay & 1455 oo la diiwangeliyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay xanuunka Karoona ka bogsooseen 11 qofood.

Bukaannada jirkooda laga waayay Feyruska ayaa tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaya 163 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen in ka badan 11% dadkii uu xanuunku haleelay.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 34 xaaladood oo kala jooga Somaliland 18 gobalka Banaadir 14, iyo dowlad gobaleedka Hishabeelle 2. Xaaladaha cusub 21 kamid ah waa rag, 13 kalana waa haween. 1,455 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay.

Hal ruux ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tidara guud ee geeridu noqotay 57.

Wasiirka Caafimaadka, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona si guul ay ugu dhamaadaan qorshayaasha dowladdu ay ku dooneyso in cudurka looga guuleysto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...