Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa ee AFRICOM ayaa sheegay inay duqeyn cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Kuunya-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 17-kii May.
War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale, Africom waxay sheegtay in illaa iyo hadda ay qiimeysay in duqeyntaas aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman dad shacab ah.
“Taageerada Mareykanka ee saaxiibadeena Soomaaliya waa mid xooggan siina xooganaan doonto,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howl-gallada Africom, Major General William Gayler.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay duqeyntan, war-saxaafadeed kasoo baxayna waxay ku sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen ciidamada kumandooska Soomaaliya iyo taliska Africom.
Ugu dambeyn, duqeyntan ayaa ah tii ugu horreysay ee AFRICOM ay xaqiijiyaan inay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, sidii ay u billaabatay bisha barakeysan ee Ramadan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





