Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay shaqaale Samafal ah ka afduubteen gobolka Gedo

Gedo (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay shaqaale samafal ka afduubteen saacadihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, ayaa waxa ay xaqiijiyeen laba ruux oo hay’ad samafal u shaqeynaayay iyo sidoo kale gaarigii ay wateen Al-Shabaab inay qabsadeen.

Dadkan ayaa lagu soo waramaya inay ka afduubteen duleedka Degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo, isla markaana Al-Shabaab ay la aadeen dhulka ay ka taliyaan.

Lama oga sababta dadkan Al-Shabaab ay u afduubteen, balse masuuliyiinta Jubbaland ee arrintaan xaqiijiyay ayaa sheegay Al-Shabaab inay caqabad ku yihiin in loo gargaaro shacabka Soomaaliyeed.

Ururka Al-Shabaab ayaa Gobolada dalka sidaan oo kale dhawr mar uga afduubtay dad u shaqeynaayay Hay’ado Samafal, kuwaasi oo markii dambe lacag madax furasho ay ku sii daayeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...