Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

UPDATE: 70 qof oo cusub oo laga helay Jubbaland Cudurka Covid-19

Kismaayo (Halqaran.com) – Maamulka Jubbaland ayaa shaacisay in 70 qof oo cusub laga helay Cudurka Coronavirus (COVID-19), waana tiradii ugu badneyd oo mar keliya ay Jubbaland xaqiijiso.

Wasiirka Caafimaadka Jubbaland ahna Gudoomiyaha Guddiga Ka Hortagga COVID-19 ee Jubbaland, Dr. Mursal Maxamad Khaliif, ayaa xaqiijiyay in 70 qof oo cusub laga helay Cudurkaasi.

Dr. Mursal Maxamad Khaliif, oo xalay la hadlay Jubbalandtv ayaa tilmaamay in 24-kii saac ee ugu dambeysay Cudurka laga helay 70 qof, ka dib markii laga baaray 106 qof, sida uu yiri.

Wasiirka Caafimaadka Jubbaland ayaa sheegay in tani ka dhigeyso tirada guud ee deegaanada Jubbaland laga diiwaangeliyay 134 xaaladood, halka 5 bukaana ay u geeriyoodeen.

Ugu dambeyn, Dr. Mursal Maxamad Khaliif ayaa tilmaamay, in Illaa iyo hadda ay Cudurkaasi ka bogsateen 11 qof, kadib markii laba jeer oo Covid-19 inta laga baaray aan laga helin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...