Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

La taliyaha Wasaarada Caafimaadka: ‘Hala baajiyo dabbaaldaga maalmaha Ciidda’ +(VIDEO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Dr. Fuje, la taliyaha Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, ayaa Arbacada maanta ah diirada saaray dabaaldaga maalmaha Ciidda ee nagu soo fool leh in ay bulshadu yareyso is dhaxgalka, maadama ay jirto qatar aad u weyn oo ku aadan Cudurka Coronavirus.

La taliyaha ayaa ku booriyay in lagu dadaalo dhaqan gelinta dhammaan qaababka looga hortago caabuqa, sida dhaqashada gacmaha oo la joogteeyo, xirashada af-xirka iyo kala fogaanshiyaha.

Dr. Fuje ayaa soo jeediyay in la baajiyo dabaaldaga munaasabadda Ciidda, maadama uu jiro cudur halis ah, ayna ka imaan karto isu imaanshiyaha bulshada inuu sii faafo Covid-19.

Ugu dambeyn, La taliyaha wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fuje, ayaa fariin u diray isbitaallada inay muujiyaan diyaar-garow adag, maadama Ciidda ay dhici karto inuu Cudurka Coronavirus faafo oo ay hal mar qaabili karaan dad fara badan oo uu soo ritay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...