Sunday, June 14, 2026
27.7 C
Mogadishu

UNICEF oo war ka soo saartay shaqaale lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobe ayaa si kulul u cambaareysay weerar lagu dilay labo ka mid ah shaqaalaha talaalka cudurka dabeysha, kaasi oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa UNICEF ee Soomaaliya, Jesper Moller ayaa lagu sheegay in UNICEF ay argaxgaxday falka lagu dilay labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha talaalka kuwaasi oo shaqo ku jiray.

‘‘Shaqaalahan geesiyiinta waxay naftooda halis u galiyeen in adeega caafimaadka oo ay aadka ugu baahanyihiin gaarsiiyaan caruurta nugul‘‘ ayaa lagu yiri qoraalka.

UNICEF waxay tacsi u dirtay qoyska iyo ehelka ay ka baxeen shaqaalaha gargaarka ee la dilay.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in UNICEF ay si xoog leh u cambaareyneyso weerarka fuleynimada leh ee lagu dilay shaqaalaha waxayna ka codsatay dowlada Soomaaliya baarintaan buuxa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...