Saturday, May 2, 2026
28.5 C
Mogadishu

UK oo si rasmi ah uga baxday Midowga Yurub

UK (Halqaran.com) – Ku dhawaad 50 sano oo UK ay qeyb ka ahayd Midowga Yurub ayaa xalay soo afjarantay, kadib markii ay si rasmi ah uga baxday.

11:00PM waqti UK jimcihii xalay ayaa waxaa soo idlaaday 11 bilood oo ahaa waqtiga kala guurka .

Sanadkan 2021 ayaa curtay iyada oo UK ay banaanka ka joogto xeyndaabka Midowga Yurub .

UK kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hoggaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga ammaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurub ka yimaada ay joogi kareen kana shaqeysan jireen UK iyagoo aan dal ku gal u baahneyn.

Ra’isul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in UK ay heysato xorriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.

Madaxweynaha faransiiska ayaa sheegay in UK ay ahaan doonto saaxiib iyo isbaheysi.

Ugu dambeyn, sanadkii 2016 ayaa afti shacabka laga qaaday waxay u codeeyeen in UK ka baxdo dalada midowga Yurub . UK waxay ururkan ku biirtay 1 Janaayo 1973.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...