Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

Update: Xilliga Codka kalsoonida loo qaadayo Golaha Wasiirrada cusub oo la shaaciyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24.10.2020 inay kulan aan caadi aheyn ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka berri ayaa waxa uu ajandihiisu yahay u codeynta Golaha Wasiirrada cusub ee uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaarraha Somaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo barnaamijka Xukuumadda.

Waxaa saacadihii la soo dhaafay qaar kamid ah Golaha wasiirrada Cusub iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ay yeelanayeen kulamo kala duwan, iyada oo Golaha Wasiirrada Magacaaban ay codka kasloonida weydiisanayeen Xildhibaannada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 19-kii bishaan Oktoobar ku dhawaaqay golihiisa Wasiirrada, kuwaas oo haddii la ansixiyo aan waqti badan u heysan inay shaqada laga sugayo qabtaan, maadaama waqtiga xil-heynta hay’adaha dowladda uu yahay gebgabo lana gelayo doorashooyin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...