Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24.10.2020 inay kulan aan caadi aheyn ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kulanka berri ayaa waxa uu ajandihiisu yahay u codeynta Golaha Wasiirrada cusub ee uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaarraha Somaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo barnaamijka Xukuumadda.
Waxaa saacadihii la soo dhaafay qaar kamid ah Golaha wasiirrada Cusub iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ay yeelanayeen kulamo kala duwan, iyada oo Golaha Wasiirrada Magacaaban ay codka kasloonida weydiisanayeen Xildhibaannada.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 19-kii bishaan Oktoobar ku dhawaaqay golihiisa Wasiirrada, kuwaas oo haddii la ansixiyo aan waqti badan u heysan inay shaqada laga sugayo qabtaan, maadaama waqtiga xil-heynta hay’adaha dowladda uu yahay gebgabo lana gelayo doorashooyin.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com