Saturday, April 11, 2026
29.7 C
Mogadishu

Turkiga oo ku baaqay in Beesha Caalamka ay si dhaqsi ah wax uga qabato arrimaha Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya Dr. Cemalettin Kani Torun ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay ku baraarugto halis ka soo fool leh dalka Soomaaliya.

Diblumaasigan oo qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa waxaa uu sheegay in xilligan Afrika ay u baahneyn kaliye taliye, taas oo ka iman karta in uu dhaco dagaal sokeeye oo sababi kara dhimasho, dhaawac iyo barakac.

“Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa intay goori goor tahay‘‘ ayuu yiri Amb. Cemalettin Kani Torun.

Hadalka safiirkii hore ee Turkiga u fadhin jiray Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid cakiran, islamarkaana siyaasiyiinta mucaaradka ay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ku tilmaameen in uu yahay kaligii taliye.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...