Sunday, July 12, 2026
25.1 C
Mogadishu

Kenya oo gacanta ku dhigtay hub iyo raggii watay

Isiolo (Halqaran.com) – Taliska ciidamada dambi Baariska dalka Kenya ayaa boggooda Facebook ku shaaciyay in xalay ay gacanta ku dhigeen labo nin, hub iyo gaari ay wateen. Howl-galkan ayaa ka dhacay magaalada Isiolo.

Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayey magacyadooda ku kala sheegeen Cabifataax Ibraahim iyo Yuusuf Maxamed.

Hubka la qabtay ayaa isugu jiray qori AK47 ah, 128 wareeg oo rasaas ah iyo labo gambo oo nooca gacanta laga tuuro ah.

“Baaritaan ayaa lagu wadaa labada la tuhunsane, waxaana kiiskooda gacata ku haya laamaha burburinta bambooyinka iyo la dagaallanka argagixisada ee booliska,” ayaa lagu yiri qoraalka lasoo dhigay Facebook.

Taliska Dambi baarista ayaa sheegay in ciidan joogay waddo ay ka shakiyeen labo gaari oo noocoodu yahay Toyita Probox, markii ay damceen in ay istaajiyaanna ay ka carareen.

Ugu dambeyn, Taliska ayaa xusay, inay rasaas soo fureen dadkii saarnaa gawaarida laga shakiyay, ciidankuna ay rasaas ugu jawaabeen, ugu dambeynna labo nin oo mid ka mid ah gawaarida saarnaa is dhiibeen, halka gaarigii kalena ay u suuragashay in uu baxsado.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...