Washington (Halqaran.com) – Donald Trump, madaxweynaha dalka Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in uusan dooneyn inuu la hadlo madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping. Isagoona soo jeediyey in laga yaabo in gebi ahaan uu xiriirka u jaro dalka labaad ee ugu dhaqaalaha xooggan adduunka.
Madaxweyne Trump oo wareysi uu siiyey taleefishinka Fox Business, ayuu ku sheegay in uu aad uga niyad jabsan yahay guul darrada Shiinana ay ku xakameyn weysay faafitaanka cudurka Coronavirus, oo sida uu sheegay iminka halis ku ah heshiiskii ganacsi ee bishii Janaayo uu la gaaray Beijing.
‘‘Ma ahayn in marnaba ay ogolaadaan in tani ay dhacdo,” ayuu yiri Trump.
Wuxuu intaasi hadalkiisa sii raaciyay, “Waxaan la galay heshiis ganacsi oo weyn, hase yeeshee iminka sidii hore ma dareemayo, warqaddii lagu qoray heshiiska weli waa qoyneyd, balse waxaa yimid saf-mareenkan, mana muuqato hadda sidii hore.”
Carrada Donald Trump ee ka dhanka ah Shiinaha ayuu sidoo kale ku soo daray madaxweyne Xi oo marar badan uu sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay.
“Ma doonayo inaan iminka la hadlo,” ayuu yiri Trump oo wareysiga uu siiyey Fox Business ee la duubay Arbacadii lasii daayey Khamiistii.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa wax laga weydiiyey soo jeedin ka timid Senator Jamhuuri ah, oo ah in dal ku galka Mareykanka loo diido ardayda Shiinaha ee codsanaya waxbarashada xiriirka la leh amniga qaranka.
“Waxaa jira waxyaabo badan oo aan sameyn karno, waxaana ka mid ah in gebi ahaan aan xiriirka u jarno Shiinaha,” ayuu yiri Trump.
“Haddii aan sidaas sameyno, maxaa dhici doona, waxaad keydsan kartaa 500 oo bilyan oo dollar,” ayuu yiri Trump oo tixraacaya qiimaha badeecadaha sanad kasta uu Mareykanka kasoo dhoofiyo Shiinaha.
Dhan kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa Jimcaha maanta weriyayaasha ugu sheegay magaalada Beijing in joogteynta xiriirka ay dan ugu jirto labada dalba, oo dadkooda ay ka faa’iidayaan nabadda iyo xasiloonida caalamka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





