Guddoonka BF Soomaaliya iyo M/weynihii hore ee dalka oo ku soo wajahan Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga Jimcaha maanta ka soo ambabaxay Guddoomiyaasha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Muddooyinkii dambe waxa ay xubnahaan ku sugnaayeen dalka Turkiga, waxaana saameyn ku yeeshay xannibaadda fayruska Corona, maadaama isu socodka diyaaradaha caalamka uu joogsaday.

Qorshaha waxa uu yahay in marka ay Muqdisho soo gaaraan Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay dib u furaan kalfadhigooda oo dhawaan dib uga dhacay sabab la xiriirta Xildhibaannada iyo Guddoonka oo dalka ka maqan, kuna xayiran dalal kala duwan.

Xildhibaanno ka ka tirsan Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in Guddoonku ay u diyaar garoobayaan fadhiga dhammaadka bishaan ay ku hortagayaan Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in 27-ka bishaan Baarlamaanka ay hortagayaan Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka si ay ula wadaagaan Warbixinada la xiriirta doorashada dalka dhammaadka sanadkaan 2020/21-ka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com