Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diiday casuumaad kaga timid Ururka Midowga Afrika oo lagu doonayay in lagu dhex-dhexaadiyo khilaafka xudduud badeedka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya
Dowladda Soomaaliya ayaa taa badalkeeda sheegtay in maxkamadda cadaaladda adduunka ay ku filan tahay in ay xukun cadaalad ah ka gaarto kiiska badda.
Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa lagu wadaa in dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysato 9-ka illaa 13-ka bisha Sebteembar ee soo socota.
Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa sheegtay fadhiga hore ee dacwadda ay Soomaaliya jeedin doonto ashtakadeeda, halka Kenyana ay ka jawaabi doonto 11-ka Sebteembar.
Warqad ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya 21-kii bishan August ayay ku sheegtay in aanay habbooneyn in ay aqbasho codsi walbo oo dhexdhexaadin ah oo ku aaddan arrinkan ka hor fadhiga maxkamadda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dacwaddan ay u gudbiyeen Maxkamadda Cadaaladda Aduunka maadaama ay isku fahmi waayeen dowladda Kenya.
Ugu dambeyn, wasaaradda waxay khalad ku tilmaantay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya oo dowladda Kenya ugu baaqay in ay ciidamo geeyaan xudduud badeedka lagu muransan yahay.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com