Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa maanta caadi ku soo noqday dhaq-dhaqaaqii gaadiidka ee Magaalada Kismaayo, kaddib markii laga qaaday xayiraaddii lagu soo rogay magaaladaasi.
Xayiraadan oo bilaabatay 20-kii bishan, kuna ekeyd 23-kii bishan ayaa waxay ku saabsaneyd xanibaad si ku meel gaar ahi loo saaray dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee dhulka, badda iyo cirka, iyadoona la xiray xuduudaha magaalada.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ujeedada amarada lagu soo rogay Kismaayo ay ka dambeysay, ka dib markii ay helayn macluumaad ku aadan in ay dhici karaan falal liddi ku ah nabadgelyada, si doorashada xasilooni ugu dhacdana ay u qaateen xayiraadan.
Magaalada Kismaayo ayaa maanta dib loo furay xuduudaha magaalada, dhaqdhaqaaqyada gaadiidkuna ay yihiin kuwo si caadi ah u shaqaynaya.
Wararka ayaa sheegaya in gaadiidkii caanaha iyo khudaarta keeni jiray ay maanta si caadi ah u yimaadeen Magaalada Kismaayo, ka dib markii duleedyada magaalada laga soo kaxeeyay ciidamadii faraha badnaa ee Talaadadii la geeyay.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Khamiistii ka dhacday laba doorasho oo is barbar socotay, iyadoo siyaabooyin kaa duwan loogu soo kala doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Cabdirashiid Maxamed Xidig.
Sidoo kale, waxaa Jimcihii shalay Magaalada Kismaayo lagu doortay Cabdinaasir Seeraar Maax, oo isna isu cumaamaday inuu yahay Madaxweynaha xigga ee Maamulka Jubbaland.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aqoonsan doonto oo keliya, marka doorasho loo dhan yahay ay ka dhacdo Xarunta KMG Jubbaland ee Kismaayo.
Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com