Sunday, July 5, 2026
25.1 C
Mogadishu

Tirada dhimashada ee Coronavirus ee Mareykanka oo kor u dhaaftay ‘150 kun’ oo Kiis

New York (Halqaran.com) – Mareykanka tirada dhimashada ee Fayraska Karoona ayaa dhaaftay 150,000 oo ruux, taas oo ah tirada ugu badan oo Covid-19 uu ku dilay dalkaas.

Ku dhawaad 16.5 milyan oo kiis ayuu hadda marayaa COVID-19, iyadoo 9.7 milyan oo qof ay ka bogsoodeen guud ahaan caalamka, tirada dhimashada adduunka ee feyraska ayaa gaaraya 659,000 qof, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins.

Mareykanka ayaa ah dalka ugu horeeyay kiisadka feyraska Corona, afhayeenka aqalka wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa arbacadii fartay dhammaan xubnaha aqalka in ay xirtaan afxirka ama Face Mask.

Nancy Pelosi ayaa sheegtay in xildhibaanka uu iska furo marka uu hadlayo ka dibna looga baahan yahay in uu xirnaado.

“Guddoonka, dhammaan xubnaha golaha iyo shaqaalaha waxaa looga baahan yahay in ay raacaan tilmaamaha caafimaadka kuna daddaalaan badqabka saaxibadooda golaha la fadhiya iyo dadka kale ee ku hareereysan ,” ayay tiri Nancy Pelosi

Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii sanatorka jamhuuriga ah ee Louie Gohmert, oo diidi jirey xirashada afxirka, Arbacadii laga heley xanuunka COVID-19, sidoo kalena sadex kamid ah saaxibadiisa la karantiiley.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...